DHAGEYSO:Kindiki oo sheegay in booliiska kaydka ay la dagaallami doonaan burcadda

0
234

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in ismaamullada gobolka Rift Valley la geyn doono ciidamo dheeraad oo ka mid ah booliiska kaydka ee NPR-ta.
Waxaa uu tilmaamay in saraakiishan ay ka qayb qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha burcadda ee gaysta dilalka iyo dhaca xoolaha.
Kindiki ayaa xilli uu guddoominayay munaasabad ay ku qalin jabinayeen 138 ka mid ah booliiska kaydka taasi oo ka dhacday ismaamulka Isiolo sheegay in ciidamadan ay leeyihiin tababarro ku filan.
Waxaa uu wacad ku maray in dowladda dhexe ay ka adkaan doonto kooxaha burcadda ah iskuday kasta oo ay sameeyaan.