DHAGEYSO:Shacabka Kisii oo ka hadlay xil ka qaadistii barasaab ku xigeenka ismaamulkaasi

0
153

Dadweynaha ku nool ismaamulka Kisii ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay tallaabadii ay senatarrada aqalka sare xalay ku ayideen xil ka qaadistii ay wakillada golaha hoose ee Kisii ku sameeyeen ku xigeenka guddoomiyaha dowlad deegaankaasi Dr. Robert Monda.
Siyaasigan ayaa xilkiisa ku waayay inuu awoodiisa ku tagriifalay sidoo kalena uu laaluush dhan 800,000 oo shilin qaatay.
Shacabka ayaa hoosta ka xarriiqay inay soo dhaweynayaan go’aammada wakiillada Kisii iyo xubnaha aqalka sare ee jagadii uu hayay looga xayuubiyay Robert Monda.