Waxaa ay maanta doorasho guud ka dhacaysa dalka Ruushka iyo gobollada laga goostay Ukraine.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la filayaa inuu markii shanaad ku guulaysto hoggaaminta wadankaasi.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa codeynta u arka mid lagu qiimeynaya aragtida dadweynaha ee ku aaddan duullaanka militari ee uu Ruushku ka wado Ukraine.
Waxaa uu qorshuhu yahay in codeynta ay socoto ilaa saddex cishe oo ku eg Axadda.
Ilaa 110 milyan oo qof ayaa u qalma ka qayb qaadashada doorashada.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in natiijada la shaacin doono wax yar ka dib marka ay doorashadu soo gabagabowdo iyadoo madaxweynaha guulaysta la caleema-saari doono bisha Shanaad ee sanadkan.