Shirkadda M-pesa Foundation ee Safaricom ayaa lacag dhan 68 milyan oo shilin ku bixinaysa wanaajinta kaabayaasha waxbarasho ee dugsiga sare ee Chepsaita oo ku yaalla ismaamulka Uasin Gishu.
Guddoomiyaha shirkadda tabarucaadda ee M-Pesa Foundation, Nicholas Nganga ayaa sheegay in ay lacagtan ku dhisi doonaan sidoo kalena lagu qalabeynaya sheybaarrada culuunta sayniska iyo kombiyuutarka ee dugsigaasi.
Dugsiga sare ee Chepsaita ayaa sidoo kale loo dhisaya maktabad cusub, qaybta jiifka oo loogu talagalay ilaa 100 gabdhood iyo ballaarinta xafiiska macallimiinta.
Barnaamijkan ayaa qayb ka ah mashruuca muwaadiniinta mustaqbalka oo la filaya in saddex sano gudaheeda ay ka faa’iidaystaan ugu yaraan 3 milyan oo arday ah.
M-Pesa Foundation ayaa sheegtay in barnaamijkan la ballaarin doono si uu u gaaro dhammaan 47-da ismaamul ee dalka waxaana arrinkan soo dhaweeyay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka , Kimani Ichung’wah iyo guddoomiyaha aqalka sare Amason Kingi.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:M-Pesa Foundation oo 68 milyan ku maalgelinaysa dugsi ku yaalla ismaamulka Uasin...