Dowladda Lebanon oo golaha UNSC u gudbinaysa cabasho ka dhan ah Israa’iil

0
159

Dowladda dalka Lebanon ayaa golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC u gudbinaysa cabasho ay uga soo horjeedo weerarro isxig-xiga oo ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay guriyo la deggan yahay kuwaasi oo ay waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Lebanon ayaa sheegtay in weerarradan 11-kii iyo 12-kii bishan saddexaad lala eegtay aag u dhow magaalada Baalbek iyo degmooyinka dariska la ah.
Bayaanka wasaaradda waxaa ku cad in weerarradaasi ay dhowr qof oo shacab ah ku dhinteen halka kuwo kalena lagu dhaawacay.