Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya 11 Itoobiyaan ah oo loo xiray in ay wadanka si sharci darro...

11 Itoobiyaan ah oo loo xiray in ay wadanka si sharci darro ah ku joogaan

Maxkamadda ismaamulka Embu ayaa xukun xabsi oo 6 bilood ah ku riday 11 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeedo dalka Itoobiya oo lagu eedeyay in ay si sharci darro ah ku joogaan gudaha Kenya.
Waxaa amarka maxkamadda ku dhawaaqay garsoore sare Jean Ndengeri.
Xaakinka ayaa sidoo kale amray in 6 bilood ka dib shakhsiyaadkan dib loogu celiyo Itoobiya.
Eedeysanayaasha ayaa maxkamadda u sheegay in ay ka soo carareen xasilooni darrada gobolka waqooyi ee Tigray ee dalkaas hasa ahaate maxkamadda ayaan taasi ku qancin waxaana la xukumay ka dib markii ay qirteen dacwadda lagu soo oogay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in eedeysane kale oo aan qaangaar ahayn dacwadiisa la dhagaysan doono 3-da bisha Shanaad ee sanadkan.
Sidoo kale labo darawal oo Kenyaan ah oo loo haystay in ay dadkan wadanka soo geliyeen ayaa lagu siidaayay damiin lacageed oo ah min 40,000 oo shilin ka dib markii ay iska fogeyeen eedeymihii loo soo jeediyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments