Wasiirka arrimaha gudaha oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta ammaanka

0
197

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa kulan wada tashi ah la yeeshay mas’uuliyiinta qaabilsan amniga gudaha.
Kulanka oo ka qabsoomay daarta Harambee House ee magaalada Nairobi ayaa dib loogu eegayay xeeladaha iyo qaababka istaraatiijiga ah ee ay adeegsadaan laamaha ammaanka.
Kindiki ayaa intii uu shirka socday hoosta ka xarriiqay in wasaaradda uu hoggaamiyo ay diiradda saareysa qiimeynta iyo dib u habeynta habraacyada dhanka amniga.
Ujeeddada laga leeyahay arrinkan ayuu ku sheegay xaqiijinta nabadgalyada qaranka iyo in la abuuro jawi ku habboon horumarka dhaqaalaha iyo bulshada.
Kulanka waxaa ka qayb galay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr.Raymond Omollo, Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome, ku xigeenadiisa kala ah Douglas Kanja iyo Nuur Gaabow iyo agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da Aamiin Maxamad.