Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka In ka badan 27 qof oo ku dhimatay dab ka kacay isbitaal...

In ka badan 27 qof oo ku dhimatay dab ka kacay isbitaal ku yaalla Ciraaq

Ugu yaraan 27 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dab saameeyay xarun caafimaad oo ku taalla caasimadda wadanka Ciraaq ee Baghdaad.
Waxaa halkaasi lagu daaweynayay dadka uu soo ritay cudurka faafaya ee COVID19.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dabka oo ka billowday qaybta daryeelka degdegga ee loo yaqaano ICU-da ay ku dhaawacmeen 46 qof oo dheeraad ah.
Isbitaalka dhacdadan laga soo tabiyay ayaa lagu magacaabaa Ibn Khatib waxaana dhibaatadan loo aaneynayaa agabka neef-caawiyaha oo qarxay sida ila wareedyo caafimaad ay u sheegeen wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AFP.
Kadhim Bohanm oo ka mid ah mas’uuliyiinta dalka Ciraaq ayaa sheegay in la soo badbaadiyay 90 ka mid ah 120 bukaan oo ku jiray qaybta uu dabku qabsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments