2,000 oo saraakiil caafimaad ah oo ku gaajeysan Qaza

0
256

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegaysa in 2,000 oo ka mid ah saraakiisha caafimaadka ay macluul ku haysato Qaza.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa dhankeeda sheegtay in howlgalka gurmadka ay u suurtagashay inuu gaaro isbitaalka Al-Shifa ee Waqooyiga Qaza.
Waxaa halkaasi la geeyay gargaar isugu jiro cuntooyin iyo agab caafimaad.
Dhanka kale Maraykanka ayaa laga soo xigtay in Israa’iil aynan weli soo bandhigin qorshaha lagu badbaadinaya nolosha dadka rayidka ah ka hor inta aan duullaan militari lagu qaadin magaalada Rafah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Israa’iil ay shalay xayiraad ku soo rogtay shacabka Daanta Galbeed iyadoo 35,000 oo qof laga hor istaagay in ay ku cibaadeystaan masjidka Al-Aqsa ee Quddus.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, waxaa duqeymaha ay Israa’iil weli ka wado Qaza lagu dilay ugu yaraan 31,045 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 72,654 kale.