Doorasho ka dhacaysa Portugal

0
169

Waxaa socoto doorashada guud ee dalka Portugal.
Dhinacyada midigta iyo bidixda dhexe ayaa ku tartamaya inay ku guulaystaan kuraasta baarlamaanka.
Goobaha codbixinta ayaa furmay abaare 8-dii subaxnimo ee maanta waxaana la soo xiraya 7-da fiidnimo ee caawa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in natiijada doorashada la rajeynaya saqda dhexe ee caawa.
Waxaa doorashada isku diiwaangeliyay ku dhawaad 11 milyan oo qof oo dooranaya 230-ka xubnood ee baarlamaanka jamhuuriyadaasi.
Doorashada guud ee Portugal ayaa dhacaysa afar bilood ka dib markii uu iscasilay Ra’iisul Wasaare Antonio Costa oo lagu eedeyay musuqmaasuq ka dibna baaritaano lagu billaabay.