Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya , Raila Odinga ayaa sheegay in haddii uu ku guulaysto xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AU-da uunan si buuxda dhinac uga istaagi doonin saaxadda siyaasadeed ee dalka.
Waxaa uu deegaanka Kibra ee ismaamulka Nairobi ka sheegay inuu xilkaasi ugu adeegi doono qaaradda Afrika iyo dalkani Kenya labaduba.
Mr. Odinga ayaa hoosta ka xarriiqay in mar kasta oo looga baahdo jiheyn siyaasadeed uu diyaar yahay.
Waxaa uu tilmaamay inuu si dhow ula socon doono waxyaabaha ka taagan Kenya si uu kaalin uga qaato sixidda khaladaadka jira.