Waxaa lagu soo warramayaa in diyaarad nooca qumaatiga u kacda ee helikobter oo ay saarnaayeen wasiirka wasaaradda waddooyinka, gaadiidka iyo howlaha guud Kipchumba Murkomen iyo guddoomiyaha guddiga agaasimayaasha maamulka garoomada diyaaradaha ee (KAA) Caleb Kipkemei Kositany ayaa shil ku gashay ismaamulka Baringo.
Diyaaradda ayaa shilka gashay xilli ay doonaysay inay duusho.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in aan la soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay shilka diyaaradeed.