Iyadoo maanta caalamka laga xusaya maalinta haweenka adduunka ayay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga Falastiin ee UNRWA sheegtay in tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, ay Israa’iil ku dishay Qaza ugu yaraan 9,000 oo dumar ah.
Waxay intaasi ku dartay in tiro haween oo dheeraad ah ay ku hoos xanniban yihiin burburka halkaasi laga gaystay.
UNRWA ayaa sheegaysa in maalin kasta , gudaha Qaza lagu dilo isku celcelis ahaan 63 haween ah.
Boqolkiiba 37 ee haweenkan ayaa hooyooyin ah waxayna ka baxaan qoysaskooda.