Waxaa dib loo sii dhigay xukun maxkamadeed oo uu qorshuhu ahaa in maanta lagu rido Joseph Irungu oo loo yaqaano Jowie.
Bishii hore ayay ahayd markii ay maxkamaddu ninkan ku caddeysay inuu dilay gabadh lagu magacaabi jiray Monica Kimani balse waxaa dembi lagu waayay Jacque Maribe oo ay dacwaddan wada wajahayeen.
Hasa ahaate garsoore Grace Nzioka oo ka howlgasho maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ayaa sheegtay in maxkamadda ay eedeysanaha xukumi doonto 13-ka bishan Saddexaad oo ku beegan Arbacada soo socoto.
Tani ayay u aaneysay in waaxda dacwad oogidda dalka ee (DPP), qoyska Jowie iyo qareenadiisa ay ka dib dhaceen inay gudbiyaan dokumeentiyo maxkamadda muhiim u ah si ay go’aan kama dambeys ah u gaarto.
Waxay sheegtay in dokumeentiyadan la soo gudbiyay abaare 7-dii fiidnimo ee xalay.
Qareenka matalaya Jowie ayaa maxkamadda u sheegay inuu u baahan yahay muddo toddobaad ah oo uu ku daraaseeyo warbixinta maxkamadda ka hor inta aan xukunka la ridin si uu uga jawaabo.
Hasa ahaate garsoore Grace Nzioka ayaan codsiga qareenka tixgelin.
Waxay amar ku bixisay inuu falcelintiisa soo gudbiyo maalinka Talaadada ee isbuuca dambe si Arbacada ay maxkamadda u soo saarto go’aan kama dambeys ah.
Dilka Monica Nyawira Kimani oo ganacsata ahayd ayaa dhacay 19-kii bishii Sagaalaad ee sanadkii 2018 waxaana meydkeeda laga dhex helay gurigeeda oo ku yaalla xaafadda Lamuria Gardens ee ismaamulka Nairobi.
9-kii bishii Labaad ee sanadkan ayay ahayd markii ay garsoore Grace Nzioka ku dhawaaqday in waaxda dacwad oogidda wadanka ay soo bandhigtay caddeymo aan shaki ku jirin oo ku aaddan in Jowie uu dilay Monica Kimani.