Wasaaradda caafimaadka oo sheegtay in ay codsatay 4.9 bilyan oo shilin

0
145

Iyadoo ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU uu wasaaradda caafimaadka ku cadaadinaya in ay shaqaaleysiiso shakhsiyaadka soo bartay culuunta caafimaadka, ayay wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee wadanka Susan Wafula Nakhumicha sheegtay inay codsadeen lacag dhan 4.9 bilyan oo shilin oo qorshahan lagu maalgelinaya.
Wasiiradda ayaa carrabka ku adkeysay in aynan haysan dhaqaale ku filan oo shaqooyin joogto ah loogu abuuraya ardayda soo bartay caafimaadka ee hadda maraya tijaabada shaqo.
Susan ayaa hoosta ka xarriiqday in wasaaradda aan sharci ahaan loo oggolayn in ay saraakiishan gayso isbitaallo kala duwan oo ay ka howlgalaan iyadoo aan haysan miisaaniyad ay ku bixin karto mushaaraadkooda sidaasi awgeedna ay codsi u gudbiyeen wasaaradda maaliyadda ee dalka.
Hasa ahaate waxay xustay in arrinta ay ka cabanayaan xubnaha ururka dhakhaatiirta ee KMPDU ay tahay mid muddo soo jirtay maadaama ay waqti qaadato in marka uu ardayga dhameeyo barashada culuunta caafimaadka uu durbaba helo fursad shaqo.