Koox hubeysan oo in ka badan 280 arday ka afduubatay dugsi ku yaalla Nigeria

0
186

Waxaa lagu soo warramayaa in rag hubeysan ay dugsi ku yaalla Waqooyiga Galbeed ee dalka Nigeria ay ka afduubteen ugu yaraan 280 arday ah.
Waxaa sidatan laga soo xigtay macallin iyo mid ka mid ah dadka deegaanka.
Saraakiisha maxalliga ee maamulka dowladeed ee gobolka Kaduna ayaa xaqiijiyay in ardayda laga afduubtay dugsiga Kuriga.
Dhacdadan ayaa ka mid ah afduub wadareedyadii ugu waynaa ee laga soo tabiyay Nigeria.
Sani Cabdullahi oo ka mid ah macallimiinta xarunta waxbarasho ee GSS Kuriga ee degmada Chikun ayaa sheegay in xalay ay shaqaalaha iyo qaar ka mid ah ardayda u suurtagashay inay baxsadaan xilli ay kooxda hubeysan rasaas ridaysay.
Waxaa la la’yahay 187 arday oo dhiganayay dugsiga sare ee
GSS Kuriga.
Sidoo kale waxaa la waayay 125 kale oo wax ka baranayay dugsiga hoose dhexe ee xaruntaasi in kastoo markii dambe 25 ka mid ah la soo helay.
Madaxweynaha dalka Nigeria Bola Axmad Tinubu ayaa ballan qaaday inuu mudnaan siin doono arrimaha amniga balse taasi ayaan si buuxda loogu guulaysan.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii la waayay in ka badan 100 qof xilli ay koox hubeysan afduub ka gaysteen xero barakacayaal oo ku taalla Waqooyiga Bari ee Nigeria waxayna si gaar ah u bartilmaameedsadeen haween iyo carruur.