DHAGEYSO:Raila Odinga oo maanta tagay Wajeer

0
220

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya , Raila Odinga ayaa maanta tagay ismaamulka Wajeer.
Raila oo sidoo kale ah madaxa xisbiga ODM ayaa halkaasi gaaray si uu shacabka Wajeer ugu boorriyo inay isku diiwaangeliyaan xubinnimada xisbiga.

Waxaa uu sidoo kale halkaasi ka sheegay in haddii uu ku guulaysto xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AU-da in ku xigeenadiisa Xasan Cali Joho iyo Wycliffe Oparanya uu mid kasta xor u yahay hoggaaminta xisbiga ODM sidaasi awgeedna aynan kala qaybsanaan jirin.