Ra’iisul Wasaaraha dalka India Narendra Modi ayaa lagu wadaa inuu mar dhow isku soo bax ku qabto gobolka Kashmiir.
Socdaalkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee uu halkaasi ku tagaya tan iyo sanadkii 2019-kii.
Dowladda India ayaa xilligaasi meesha ka saartay madax bannaanidii xadiidnayd ee Kashmiir oo ah gobol ay ku muransan yihiin dowladaha dariska ah ee India iyo Pakistan.
Waxay gobolkaasi u kala qaybisay labo oo kala ah Ladakh iyo Jammu and Kashmir oo si toos ah looga maamulo New Delhi.
Sidoo kale waxaa 2019-kii meesha laga saaray xuquuqdii dhulalka iyo shaqooyinka ee ilaalinayay dadka asalka u ah Kashmiir.
Waxaa halkaasi oo ay muslimiin ku badan yihiin tan iyo sanadkii 1989-kii kacdoon ka wado kooxo fallaago lagu tilmaamo.