Lacagaha ay shaqaalaha ku biirinayaan SHIF oo la shaacin doono Jimcada

0
123

Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha ayaa sheegtay in Jimcada ,wargeyska rasmiga ee dowladda lagu soo daabici doono lacagaha laga jaraya shaqaalaha si ay bil kasta ugu biiriyaan sanduuqa caymiska caafimaadka bulshada ee (SHIF).
Waxay sheegtay in 1-dii bishan la soo gabagabeeyay dejinta xeerarka la xiriira caymiskan ka dibna loo gudbiyay xeer ilaaliyaha guud ee dalka Justin Muturi.
Wasiiradda ayaa carrabka ku adkeysay in dowladda dhexe ay si degdeg ah u billaabi doonto in qof waliba oo shaqeeya mushaarkiisa billaha ah laga jaro boqolkiiba 2.75 si loogu biiriyo caymiska caafimaadka.
Waxay intaasi ku dartay in dadkii horay bil kasta bixin jiray 500 oo shilin in ay bixin doonaan 300 oo shilin.
Sidoo kale cidii aan awoodin in ay qarashaadkan iska bixiso waxaa culeyskan ka dulqaadeysa dowladda sida ay wasiiraddu sheegtay.
Wasiiradda ayaa nidaamka cusub ee SHIF ku tilmaantay mid baahsan oo kenyaanka u suurtagelin doono in ay iskaga daaweeyaan xaalado caafimaad oo dheeraad ah.