Kenya iyo Imaaraatka oo heshiis saxiixday

0
227

Dowladaha Kenya iyo Isutagga Imaaraatka Carabta ee UAE-da ayaa wada saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan dhanka macluumaadka.
Tani ayaa horseedi doonto in markii ugu horreysay gudaha wadanka laga hirgeliyo xarunta xogaha oo adeegsanaysa tamarta dhulka laga dhaliyo.
Waxaa heshiiskan wada gaaray shirkadaha EcoCloud oo laga leeyahay Kenya iyo midda Imaaraatka ee G42.
Qorshahan ayaa la filayaa inuu dardargeliyo dhijitaalka casriga ah ee dalka.
Madaxa fulinta ee shirkadda EcoCloud, Amos Siwoi ayaa sheegay in la haqabtiri doono baahida dhanka macluumaadka ee gobolka.
Waxaa uu intaasi ku daray in is-afgaradkan uu sidoo kale waddada u xaaraya kaabayaal la jaanqaadaya horumarka dhaqaale.
Waxaa sidoo kale saxiixidda heshiiskan goobjoog u ahaa madaxweynaha dalka William Ruto iyo safiirka dowladda isu tagga imaaraatka Carabta ee dalka Ambasadoor Saalim Ibrahim Bin Axmed Maxamad Alnaqbi .