Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirro ay shan ka mid ah dowladaha caalamka u soo magacaabeen in ay Kenya ku matalaan.
Safiirradan ayaa kala ah Enrique Javier Ochoa Martinez oo ah safiirka Mexico ee dalkani Kenya ,Danijela Cubrilo Martic (Serbia), Morakot Janemathukorn (Thailand), Giovanni Conti (San Marino), iyo Mahlaba Mamba (Eswatini).
Madaxweyne William Ruto oo danjireyaasha ku qaabilay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in Kenya ay ka go’an tahay sare u qaadidda xiriirka dibloomaasiyadeed ee kala dhexeeya waddamadan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay si dhow iskaga kaashan doonaan dhinacyada helidda cunnada iyo fursadaha shaqaaleysiinta.
Waxaa uu xusay in iskaashiga Kenya kala dhexeeya saaxiibadeeda caalamka uu aad muhiim ugu yahay in horumar laga gaaro waaxyaha kala duwan.
William Ruto ayaa tilmaamay in xiriirka dibloomaasiyadeed uu kaalin ka qaadanaya xoojinta u adkeysiga saameynta cimillada , ganacsiga, maalgashiga , nabadgalyada, amniga iyo xallinta khilaaf xuduudeedka.