Ruushka oo xalay 7 qof ku dhaawacay weerar uu ka gaystay Ukraine

0
156

Dowladda Ruushka ayaa weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn xalay ka fulisay gobollo ka tirsan dalka Ukraine.
Waxay bartilmaameedsatay kaabayaasha korontada iyadoo burbur gaarsiisay guriyo la deggan yahay iyo meherado ganacsi.
Ugu yaraan 7 qof ayaa duqeynta lagu dhaawacay.
Dhanka kale Ukraine ayaa sheegaysa in hannaakeeda difaaca hawada sare uu soo riday 38 ka mid ah 42 gantaal oo uu Ruushku ku soo tuuray.
Waxaa uu qorshuhu yahay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu maanta la kulmo madaxa wakaallada caalamiga ee qaabilsan tamarta atoomikada ee (IAEA) Rafael Grossi.