Guddiga doorashooyinka ee dalka Venezuela ayaa shaaciyay in doorashada guud ee wadankaasi ay qabsoomi doonto 28-ka bisha Toddobaad ee sanadkan.
Madaxweynaha hadda talada haya ,Nicolas Maduro ayaa la filayaa inuu mar kale tartamo.
Bishii Tobnaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii xisbiyada muxaafidka iyo mucaaradka ee Venezuela ay ku heshiiyeen in doorashada madaxweynenimo ay sanadkan dhacdo.