Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa maanta kulan la yeeshay hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ismaamulka Samburu.
Wasiirka ayaa wax laga qoomamoodo ku tilmaamay weerarro rabshadeysan oo dhawaan ka dhacay qaybo ka mid ah Samburu.
Waxaa falalkan gaystay kooxaha burcadda ee xoolaha dhaca.
Kindiki oo siyaasiyiinta kula hadlayay daarta Harambee House ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay cirib tirka falalka burcadnimo ee gobolka Rift Valley iyo badbaadinta nolosha shacabka iyo hantidooda.
Waxaa kulanka ka qayb galay barasaabka ismaamulka Samburu
Jonathan Lati Leleliit, senatarka dowlad deegaankaasi Steve Lelegwe, wakiilka haweenka ,Pauline Lenguris, xildhibaanadda Galbeedka Samburu Naisula Lesuuda xildhibaanka Waqooyiga Samburu Eli Letipila , dhigiisa Bariga Samburu Jackson Lekumontare iyo Hezena Lemaletian oo aqalka sare si magacaabid ah ugu biirtay.