WFP oo sheegtay in Israa’iil ay diiday in gargaar la geeyo Qaza

0
165

Barnaamijka Cunnada Adduunka ee (WFP) ayaa sheegay in Israa’iil ay hor istaagtay kolonyo baabuur ah oo gargaar banidaannimo u siday Waqooyiga Qaza.
Militariga Israa’iil ayaa tallaabadan qaaday markii ugu horreysay tan iyo 20-kii bishii hore.
WFP ayaa hoosta ka xarriiqday in si looga hor tago macluul ay qasab tahay in la furo marin dhanka waddooyinka ah oo ay kolonyada gargaarka sida ku geli karaan Waqooyiga Qaza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore ilaa iyo hadda duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 30,631 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 72,043 kale.