Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in wax laga beddelo aragtida laga qabo Afrika

0
143

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xildhibaannada golaha xeer dejinta ee Bariga Afrika ee (EALA) ku boorriyay in ay gacan ka gaystaan sidii wax looga beddeli lahaa aragtida caalamka intiisa kale uu ka qabo qaaradda Afrika.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qaaraddu loo arko mid sabool ah oo ay daashadeen dagaallo iyo cudurro.
William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in qaaradda Afrika ay leedahay fursado badan oo laga faa’iidaysan karo.
Waxaa uu tilmaamay in baarlamaanka EALA uu door wayn ka qaadan karo inuu caalamka u muujiyo sida ay Afrika u tahay meel loogu soo hirto maalgashiga.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in kheyraadka laga faa’iidaysan karo ay ka mid yihiin tamarta la cusbooneysiiyo iyo dhulka beerashada ku wanaagsan.
Labadan waxyaabood ayuu tilmaamay in haddii la wanaajiyo ay isbeddel ku sameyn karaan nolosha shacabka ku nool dalalka qaaradda Afrika.
William Ruto ayaa xusay in Afrika ay hodon tahay oo ay keliya u baahan tahay in hantideeda la qiimeeyo isagoo intaasi ku daray in dhawaan qaaraddu ay noqon doonto suuqa ugu wayn dunida.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale xildhibaannada baarlamaanka EALA kula taliyay inay kaalin muhiim ah ka qaataan xoojinta isdhexgalka Bariga Afrika si gobollada kale ay ugu daydaan.
Sidoo kale waxaa uu xusay in EALA iyo baarlamaannada kale ee gobolka laga doonaya inay ka soo baxaan doorkooda ku aaddan isku furka howlaha ganacsiga xorta ah si uu gobolku halbowle ugu noqdo maalgashiga, ganacsiga iyo warshadeynta.