Waxaa maanta si rasmi ah maamul dagmeed loogu sameeyay Shanta-Abaq oo ka tirsan deegaanka Lagdera ee ismaamulka Garissa.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa munaasabddan guddoomiyay.
Wasiirka ayaa sheegay in maamulka halkaasi laga hirgeliyay uu ka shaqeyn doono in dadweynaha degmada Shanta Abaq ay helaan adeegyada aasaasiga ee ay u baahan yihiin sida caafimaadka , waxbarashada , amniga iyo kuwa kale isagoo faahfaahin ka bixiyay mas’uuliyiinta dowladda matalaya ee dhawaan la geyn doono Shanta Abaq.
Sidoo kale waxaa uu ka hadlay qorshaha dib loogu furaya xafiiska baasaboorka ee Garissa oo uu xusay inuu dib u dhac ku yimid xilligii lagu waday in dib loo furo.
Wasiir Kindiki oo ka hadlayay caqabadaha ka jiro gobolka Waqooyi Bari ayaa dhanka kale shacabka iyo saraakiisha ammaanka ugu baaqay inay si dhow uga wada shaqeeyaan ka hor tagga falal dambiyeedyada sida isku dhacyada iyo argagixisannimada.
Wakiilka haweenka ee ismaamulka Garissa Udgoon Siyaat ayaa dhankeeda wasiirka ka codsatay inuu ka shaqeeyo in marka haweenka muslimiinta ah ay raadsanayaan baasaboorka ee laga qaadaya sawirrada aan lagu qasbin in ay xijaabka bixiyaan.
Waxay dhanka kale barasaabka ismaamulka Garissa Nathiif Jaamac Aadan ugu baaqday in maamulkiisa uu ka shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadda dhanka biyaha ee ka jirto qaybo ka mid ah dowlad deegaankaasi.