Madaxweynaha dalka oo sheegay in Kenya iyo Uganda ay si wadajir ah xarun uga furayaan xadka Trans Nzoia

0
219

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladaha Kenya iyo Uganda ay labada toddobaad ee nagu soo aaddan gudahooda si wadajir ah xarun uga furi doonaan ismaamulka Trans Nzoia.
Xaruntan ayaa laga hirgelinaya aagga xadka labada dal ee Suam ee dowlad deegaanka Trans Nzoia.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu maanta si rasmi ah u furay kal-fadhiga 5-aad ee golaha xeer dejinta Bariga Afrika ee (EALA).
William Ruto ayaa xusay in tallaabadan ay wanaajin doonto ganacsiga ka dhexeeya Kenya iyo Uganda.
Dhanka kale hoggaamiyaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in madaxda dalalka Bariga Afrika ay ku heshiiyeen inay hal musharrax ku taageeraan la wareegidda xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.
Dowladda Kenya ayaa jagadan ku taageeraysa madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio , Raila Odinga oo shaaciyay musharraxnimadiisa.