EAC oo beenisay in la soo saaray lacag ay wada adeegsanayaan xubnaha jaaliyadda

0
188

Xoghaynta Jaaliyadda Bariga Afrika ee (EAC) ayaa beenisay qoraal la soo dhigay barta X, ee horay loo yaqaanay Twitter, kaasi oo tilmaamaya in la soo saaray lacag ay ka mideysan yihiin xubnaha jaaliyadda.
Waxaa arrinkan gaashaanka u daruuray Xoghayaha Guud ee EAC
Peter Mathuki .
Mas’uulkan ayaa carrabka ku adkeeyay in kastoo ay been abuur tahay in hadda la soo bandhigay lacagtan , inuu rajeynaya in mustaqbalka ay suurtagasho.
Waxaa uu tilmaamay in qorshaha arrinkan ku aaddan uu weli socdo oo aan la gabagabeyn sidaasi awgeedna uu shacabka dalalka xubnaha ka ah Jaaliyadda Bariga Afrika ee EAC ku wargelinaya in ay iska dhaga tiraan warbixinnada been abuurka ah ee la faafiyay ee sheegaya in EAC ay daahfurtay lacag ay xubnuhu ku mideysan yihiin isticmaalkeeda.