Degmada Shanta-Abaq oo maanta la daahfuraya

0
160

Waxaa maanta si rasmi ah maamul dagmeed loogu sameynaya Shanta-Abaq oo ka tirsan deegaanka Lagdera ee ismaamulka Garissa.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa munaasabaddaan guddoomin doono .
Waxaa la filayaa in ay xafladaasi ka qayb galaan siyaasiyiinta ismaamulka ee uu hor kacaya barasaabka Garissa Nathiif Jaamac Aadan.