Senatarrada ka tirsan isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa dalbanaya in hindisaha guriyaha la awoodi karo ee ay dowladdu dhisaysa ee la soo saaray sanadkii hore loo bandhigo dadweynaha si ay aragtidooda uga dhiibtaan.
Senatarrada oo shalay iskaga baxay kal-fadhi uu guddoominayay Amason Kingi oo ah guddoomiyaha aqalka sare ayaa doonaya in fursad la siiyo shacabka ku nool 47-da ismaamul .
Mas’uuliyiintan oo uu ka mid yahay senatarka ismaamulka Nairobi ahna xoghayaha guud ee xisbiga ODM , Edwin Sifuna ayaa guddoomiyaha aqalka sare ku eedeyay in uunan dhexdhexaad ka ahayn doodda la xiriirta hindise sharciyeedka guriyaha.
Waxay ku andacoonayaan in siyaasiyiinta ka tirsan mucaaradka aan la siin fursad la siman dhigooda muxaafidka.