Maxkamadda ugu sarreysa Maraykanka ayaa diiday dadaal uu maamulka gobolka Colorado ku bixinayay in magaca madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump laga saaro warqadaha codbixinta aasaasiga ee xisbiga Jamhuuriga ee sanadkan.
Garsoorayaasha maxkamadda ugu sarreysa Maraykanka ayaa maanta meesha ka saaray go’aan 19-kii bishii Diseembar ee sanadkii hore ka soo baxay maxkamadda sare ee gobolka Colorado.
Tani ayaa lagu tilmaamay guul u soo hooyatay Trump isagoo xisbigiisa ka sugaya inuu soo xusho.