Maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ayaa sheegay inuu xaqiijin doona in macallimiinta fasallada hoose ee dugsiga sare ee Junior secondary ee JSS lagu shaqaaleysiiyo qandaraasyo joogto ah iyada oo loo marayo miisaaniyadda sanadkan.
Guddoomiyaha guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan qoondeynta miisaaniyadda dowladda ahna xildhibaanka deegaanka Kiharu, Ndindi Nyoro ayaa sheegay in golaha qaran ee xeer dejinta uu 26 bilyan u qondeeyay qandaraasyada joogtada ah ee lagu shaqaaleysiinaya macallimiinta JSS.
Macallimiinta JSS ayaa dhankooda doonayay qandaraasyo joogta ah.