Mudavadi oo bulshada Bariga Afrika ugu baaqay inay taageeraan musharraxnimada Raila ee AU-da

0
230

Madaxa wasiirrada ee dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa taageeray musharraxnimda hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ee ku aaddan xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.
Musharraxnimada Raila ayuu ku tilmaamay mid sumcad u ah qaranka.
Waxaa uu sidoo kale bulshada Bariga Afrika ugu baaqay in ay Raila garab buuxa ku siiyaan in uu ku guuleysto jagadaasi.
Mudavadi ayaa xusay in qaaradda Afrika ay wajahaysa caqabado kala duwan islamarkaana ay Kenya fursad u haysato qabashada hoggaanka Midowga AU-da.
Bishii hore ayay ahayd markii Raila Odinga uu shaaciyay inuu diyaar u yahay la wareegidda xilkan oo uu bisha Saddexaad ee sanadka dambe banneynaya Moussa Faki Mahamat.