Mid ka mid ah 8-dii ruux ee caalamka ku nool oo uu miisaanka jirkoodu xad dhaaf yahay

0
222

Warbixin lagu daabacay majaladda wax ka qorta arrimaha caafimaadka ee Lancet ayaa lagu sheegay in tirada dadka uu culeyska jirkoodu yahay xad dhaaf ee caalamka ay kor u dhaafaysa hal bilyan oo qof.
Daraasaadka warbixintan laga soo saaray ayaa lagu ogaaday in tan iyo sanadkii 1990-kii, tirada dadka waawayn ee uu miisaanka jirkoodu gaaray heer aad u sarreeya ay noqotay in ka badan labo jibbaar.
Sidoo kale waxaa tan iyo xilligaasi afar jibbaar noqtay miisaanka jireed ee carruurta ay da’oodu u dhexeyso 15 ilaa 19 sano.
Sanadkii 2022-kii , waxaa xaaladdan wajahayay boqolkiiba 43 ee dadka waawayn.
Meelaha ugu badan ee ay dhibaatadan ka jirto ayaa lagu sheegay jasiiradaha ku hareeraysan badwaynta baasifikada sida Papua New Guinea, Fiji, Somoa ,Micronesia iyo Vanuatu, kuwa Caribbean-ka sida Guatemala, Haiti iyo Jamaica , Gobolka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.