Ismaamullada oo boqolkiiba 60 ee miisaaniyadda ku bixiyay mushaaraad iyo qarashaad kale

0
199

Maareeyaha miisaaniyadda dowladda ,Margaret Nyakang’o ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in muddo 6 bilood ah ay ismaamullada wadanka boqolkiiba 60 ee miisaaniyadda loo qoondeeyay ku bixiyeen qarashaadka sida mushaaraadka shaqaalaha.
Tani ayaa dib u dhigta fulinta mashaariicda horumarineed.
Muddadan gudaheeda , 21 ka mid ah ismaamullada wadanka ayaa fulinta mashaariicda horumarineed ku bixiyay wax ka yar boqolkiiba 10 ee miisaaniyadda la siiyay.
Qiimeynta warbixintan laga soo saaray ayaa la sameeyay intii u dhexeysay Koowdii bishii Toddobaad ilaa 31-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii.
Warbixinta maareeyaha miisaaniyadda dalka ,Margaret Nyakang’o waxaa ku cad in ismaamullada Kisii, Nairobi, Machakos, West Pokot iyo Nyandarua ay arrimaha horumarka ku kala bixiyeen boqolkiiba 2.9, 3.3, 3.5, 8.7 iyo boqolkiiba 7.0 ee miisaaniyadooda.
Muddada 6-da bilood ah waxaa mashaariicda horumarineed ee ismaamullada ku baxday lacag dhan 24.81 bilyan oo shilin.
Tani ayaa u dhiganta boqolkiiba 12.2 ee miisaaniyaddii sanad maaliyadeedkan 2023-2024 loogu qoondeeyay horumarka oo ahayd 203.11 bilyan.
Ismaamullada waxay ugu yaraan boqolkiiba 58 ama qiimo ahaan 98.13 bilyan oo shilin ku bixiyeen mushaaraad iyo gunnooyinka kale ee shaqaalaha.