Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya, Qaasim Axmad Rooble, ayaa shaaciyay in afduubkii iyo dilkii loo gaystay Ganacsade Abuukar Axmad Kaabax in loo xiray 7 qof oo uu ku jiro taliyihii saldhigga Booliiska degmada Heliwaa.
Waxaa uu sheegay in dowladda ay dadaal badan galisay sidii kiiskaas loo heli lahaa dadka ku lugta leh, isagoo intaasi ku daray in haatan uu baaritaan ku socda dad loo soo qabtay dilkaasi.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in toddobada qof, shan ka mid ah ay yihiin dad shacab ah.
Waxaa uu sheegay in dhawaan marka la soo dhameystiro baaritaanada kiiskan ay maxkamadda ciidamada u farriisan doonto dacwaddan.
Abuukar oo ahaa ganacsade ayaa maydkiisa laga helay deegaanka Garasbaaleey.
Koox hubaysan oo afduubtay ayaa dishay, ka dibna ay maydkiisa ku tureen meel qashin ah.