Israa’iil oo dishay ku dhawaad 80 qof oo gargaar sugayay

0
167

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Falastiin ayaa sheegtay in Israa’iil ay saaka dishay ugu yaraan 77 qof oo Falastiiniyiin ah.
Waxaa sidoo kale la dhaawacay 250 dheeraad ah.
Dadkan ayaa lagu bartilmaameedsaday Qaza xilli ay sugayeen in gargaar cunno ah loo qaybiyo.
Ugu yaraan 30 qof oo kale ayaa ku dhintay duqeymo dhanka cirka ah oo ay Israa’iil la eegatay xerooyinka qaxootiga ee Nuseirat, Bureij iyo Khan Younis .