Waxaa uu qorshuhu yahay in isbuucan gudihiisa uu Kenya booqasho ku yimaado Ra’iisul Wasaaraha wadanka Haiti, Ariel Henry.
Safarka mas’uulkan ayaa qayb ka ah dhameystirka heshiis 1,000 ka mid ah ciidamada booliiska ee dalka lagu gaynaya Haiti .
Bayaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Haiti ayaa lagu sheegay inuu magaalada Nairobi u soo ambabixi doono ka dib marka uu ka qayb galo kal-fadhiga 46-aad ee caadiga ah ee hoggaamiyaasha dalalka ku mideysan jaaliyadda Caribbean ee (CARICOM) oo maanta lagu soo gabagabeynaya dalka Guyana.
Hasa ahaate maamullada Kenya ayaan si rasmi ah weli u shaacin booqashada Ariel Henry.




