Booliiska Nyamira oo raadinaya aabbe dilay wiilkiisa

0
314

Ciidamada ka howlgalo saldhigga booliiska ee Ekerenyo ee ismaamulka Nyamira ayaa raadinaya nin ku eedeysan inuu dilay wiilkiisa oo 2 sano jir ahaa.
Sida ku cad warbixinta laamaha ammaanka ,Ezekiel Kimwomi oo ay da’diisu tahay 25 sano ayaa dilkan ka gaystay tuulada Eronge.
Hal bil ka hor ayay ahayd markii ay xaaskiisa kala tageen ka dib khilaaf dhanka qoyska oo soo kala dhex galay.
Hasa ahaate labo maalmood ka hor ayuu wiilka ka soo waday hooyadiisa isagoo dilay ugu dambeyna meydkiisa uga tagay sariirta.
Waxaa meydka canugga yar ee uu aabihii ku dilay Nyamira arkay oo booliiska ku wargeliyay dadka dariska la ah eedeysanaha baxsadka ah.