13 bukaan oo ku dhimatay dab ka kacay isbitaal ku yaalla India

0
695

Wararka naga soo gaaraya dalka India ayaa sheegaya in maanta ay dhinteen 13 bukaan oo ka mid ah dadka uu saameeyay cudurka COVID-19 ka dib markii uu dab qabsaday isbitaal lagu daaweynayay.
4 bukaan oo dheeraad ah kuwaas oo badbaaday ayaa goob kale loo wareejiyay.
Dhacdadan ayaa abaare 3-dii aroornimo ee saacadda dalkaas laga soo tabiyay duleedka magaalada Mumbai.
Dabka oo ugu dambeyn la demiyay ayaa waxaa hadda la baaraya sababta keentay.
Sarkaal ka tirsan waaxda dab damiska ee India oo lagu magacaabo Morrison Khavari ayaa sheegay in 17 bukaan ay ku jireen qaybta daryeelka degdegga ee ICU-da oo uu dabku ka billowday.
Hannaanka caafimaad ee India ayaa waxaa in muddo ah caqabad ku ahayd dhaqaale yari waxaana xaaladda mid cakiran ka sii dhigay cudurka faafaya ee COVID-19.
Horraantii toddobaadkan ayay ahayd markii 22 bukaan ay ku dhinteen isbitaal kale oo ku yaalla isla gobolka dhacdada maanta laga soo tabiyay ka dib markii ay cillad ku timid qalabka bukaannada ka caawiya neef-qaadashada oo ay isticmaalayeen.