Ururka Xamaas ee dalka Falastiin ayaa sheegay inuu daraaseynaya qorsho la xiriira heshiis xabbad joojin oo ay caasimadda dalka Faransiiska ee Paris ku soo bandhigeen Israa’iil, Maraykanka, Qatar iyo Masar.
Waxaa soo jeedinta qayb ka ah in Israa’iil iyo Xamaas ay labaduba siidaayaan maxaabiista u kala xiran.
Warbaahinta caalamiga ee Aljazeera oo soo xiganaysa ilo wareedyo qorshahan xog-ogaal u ah ayaa ku warramaysa in haddii soo jeedinta la aqbalo ay Xamaas siidayn doonto 40 maxaabiis ah halka ay dib xurriyadooda u helayaan 400 oo maxaabiis oo Falastiiniyiin ah oo ku xiro xabsiyada Israa’iil.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu sheegay inuu rajeynaya in duullaanka militari ee Qaza uu ku soo idlaato muddo toddobaad ah.
Balse waxaa weli socdo duqeymaha Qaza ee ilaa iyo hadda lagu dilay ku dhawaad 30,000 oo qof.
In ka badan oo ka mid ah shacabka Qaza ee gaaraya 2.3 milyan ayaa wajahaya macluul.




