Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa hoggaamiyaasha siyaasadeed ee laga soo doortay ismaamullada gobolka Xeebta ku dhaliilay in aynan ka hadlin xal u helidda dhibaatooyinka maandooriyaha.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in madaxda iyo saraakiisha dowladda sare aynan xallin karin caqabadda maandooriyaha ee saameysay dhallinyarada Xeebta haddii aynan siyaasiyiinta gobolkaasi arrinkan ka qaadan door firfircoon.
Rigathi Gachagua ayaa su’aal geliyay sababta qof madax ah oo la soo doortay uunan si wayn ugu ololeyn dhibaato wax u dhimaysa jiritaanka codbixiyeyaasha marka loo barbardhigo gobollada kale ee wadanka iyo sida madaxda la soo doortay ay uga hadlayaan saameynta maandooriyaha.
Sidoo kale waxaa uu cadeeyay in siyaasadda dowladda talada haysa ay tahay in aan sarkaal laga wareejin deegaan oo ka howlgalayay oo uu waxqabad ahaan ku fashilmay.