Mid ka mid ah wakiillada Samburu oo ay burcad toogatay

0
216

Waxaa lagu soo warramayaa in ay koox burcad ah toogasho ku dishay wakiilka deegaanka hoose ee Angata Nanyekie ee ismaamulka Samburu ,Paul Leshimpiro .
Leshimpiro ayaa la dilay xilli uu ku wajahnaa gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Morijo .
Waxaa uu xilligaasi ka yimid magaalada Maralal.
Dilka ayaa dhacay abaare 11-kii barqanimo ee maanta.
Waxaa toogashada wakiilka xaqiijiyay taliyaha booliiska ee ismaamulka Samburu ,Thomas Ototo.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in darawalkii wakiilka uu ka badbaaday falkaasi oo aynan waxyeello ka soo gaarin.