Ciidamada booliiska ee degmada Isebania ee ismaamulka Migori ayaa gacanta ku dhigay maandooriyaha xashiishka oo ah 160 kiilogaraam.
Waxay sheegeen in qiimaha lacageed ee balwaddan ay tahay qiyaastii 4.8 milyan oo shilin.
Daroogadan oo kiishash laga buuxiyay ayaa saaka lagu qabtay howlgal uu hoggaaminayay taliyaha booliiska ee Isebania Meshack Mulwa.
Howlgalka ayaa laga fuliyay xadka ay wadaagaan dalalka dariska ah ee Kenya iyo Tanzania.
Waxaa arrinkan xaqiijiyay taliyaha ciidamada booliiska ee ismaamulka Migori Francis Nguli oo warbaahinta u warramay.
Taliyaha ayaa sheegay in xashiishka lagu qabtay aagga Mali Ngumu waxaana lagu waday mooto.
Hasa ahaate wadihii dhugdhugleyda ayaa goobta ka baxsaday ka dib markii uu ogaaday in saraakiisha booliiska ay ku daba jiraan.