Dowladda oo qaadi doonto tallaabooyin adag oo ka dhan ah ka ganacsiga maandooriyaha

0
192

Dowladda dhexe ee dalka ayaa lagu wadaa inay qaado tallaabooyin ay iska kaashanayaan waaxyo kala duwan oo lagula dagaallamaya ka ganacsiga maandooriyaha sida khamriga sharci darrada ka ah gudaha wadanka iyo daawooyinka aan la oggolayn.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in howlgalladan laga fulin doono guud ahaan wadanka.
Waxaa uu ballan qaaday in toddobaad gudihiisa lagu soo bandhigi doono waaxyaha arrinkan loo xil saaraya.
Tani ayaa timid ka dib kulan uu madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua la qaatay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki, dhigiisa maaliyadda Njuguna Ndung’u iyo wasiiradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha.
Gachagua ayaa carrabka ku adkeeyay in maamulka madaxweyne William Ruto ay ka go’an tahay in gudaha Kenya laga cirib tiro wax kasta oo dhibaato u gaysanaya caafimaadka iyo jiritaanka bulshada.
Waxaa kulanka sidoo kale ka qayb galay xeer ilaaliyaha guud ee dalka Justin Muturi, xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Raymond Omollo, xoghayaha wasaaradda caafimaadka Mary Muthoni, dhigeeda maaliyadda Chris Kiptoo, madaxa aqlabiyadda ee baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah , qareenka guud ee dowladda Shadrack Mose, taliyaha guud ee booliiska Japheth Koome, ku xigeenadiisa oo kala ah Douglas Kanja iyo Nuur Yarow Gabow iyo mas’uuliyiin kale.
16-kii bishan ayay ahayd markii ay dowladdu ku dhawaaqday howlgallo qaran oo ka dhan ah maandooriyaha ka dib markii 23 ruux ay ismaamulka Kirinyaga ugu geeriyoodeen isticmaalka khamriga.