Waxaa maanta xiran qaar ka mid ah xarumaha ganacsi ee xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi.
Xoghayaha Guud ee guddiga ganacsatada Islii Cumar Ibraahim Xuseen oo u warramay warbaahinta Star ayaa sheegay in go’aanka lagu xiray xarumahan ay qaateen ganacsatada goobaha lagu iibiyo badeecooyinka jumlada ah oo ay ka mid yihiin caanaha budada ah.
Waxaa uu xusay inay weli ku howlan yihiin wada tashi dheeraad ah sidaasi awgeedna ay soo saari doonaan go’aammo rasmi ah.
Waxaa uu Xoghayaha u warramay Mowlid Maxamad Shuuriye.