Madaxweynaha dalka oo wasiirrada uga digay dhaqangelinta amarro aan la xaqiijin

0
212

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa wasiirrada wasaaradaha kala duwan uga digay in ay ku tallaaba qaadaan amarro aan sax ahayn oo uu ku tilmaamay kuwo lagu andacoonaya in uu isaga bixiyay.
Hoggaamiyaha dalka ayaa arrinkan ka sheegay gabagabada shirkii wada tashiga ahaa ee ka qabsoomay magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Waxaa uu xusay in ay qasab tahay in la ilaaliyo hufnaanta oo si adag loola dagaallamo musuqmaasuqa.
William Ruto ayaa xusay in wasiir kasta ama xoghayaha uu dusha saaranaya mas’uuliyadda la xiriirta go’aammada uu qaata iyadoo aan la eegayn in ay jirtay cid soo wacday ama u hanjabtay.
Waxaa uu xubnaha golaha fulinta ee dowladda ka codsaday in ay la soo xiriiraan si ay u wada tashadaan oo loogu cadeeyo arrimaha sharraxaada u baahan.
Waxaa uu madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka Felix Koskei ku amray inuu isku duba rido howlaha dowladda sare si aan loogu fashilmin dhaqangelinta ballanqaadyadii uu maamulka Kenya Kwanza u sameeyay kenyaanka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale wasiirrada iyo xoghayeyaasha kula taliyay inay kaashadaan ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua iyo madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi marka ay hagid u baahan yihiin.