Waxaa lagu soo warramayaa in gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi lagu xiray aasaasaha shirkadda maalgashiga ee Ekeza Sacco David Kariuki Ngare, oo ku magacdheer Gakuyo .
Gakuyo ayaa arrinkan ku shaaciyay muuqaal uu soo duubay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in garoonka ay ku xireen saraakiisha waaxda dambi baarista ee DCI-da.
Hasa ahaate waxaa uu tilmaamay in uunan ka war qabin sababta keentay in xabsiga loo taxaabo.
Gakuyo ayay ku raad joogeen laamaha ammaanka ee dalka ka dib markii lagu eedeyay inuu lunsaday 1 bilyan oo shilin oo ahayd lacagaha xubnaha shirkadda maalgashiga ee Ekeza Sacco ee uu hoggaamiyo.