Mudavadi oo shir uga qayb galaya Itoobiya

0
160

Madaxa wasiirrada ee dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa gaaray caasimadda wadanka Itoobiya ee Addis Ababa.
Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay danjiraha Kenya ku matalo Itoobiya Ambasadoor George Orina iyo agaasimaha guud ee arrimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda dalka Itoobiya Fisseh Shawul.
Mudavadi ayaa lagu wadaa inuu qayb ka guddoomiyo kulanka 36-aad ee guddiga isku dhafka ah ee heerka wasiirrada ee (JMC) kaasoo u dhexeeya dalalka Kenya iyo Itoobiya.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa bayaan ku sheegtay in sidoo kale la dejiyay qorshayaal dhowr ah oo lagu saxiixaya heshiisyo xoojinaya iskaashiga labadan waddan.
Kulanka ayaa dib u cusbooneysiin doono howlaha guddiga JMC oo uu muddo toddobo sano ah dib u dhac ku yimid.
Ambasadoor Shawul ayaa sheegay in dalalka Kenya iyo Itoobiya ay ka wada shaqeeyaan dhinacyada amniga iyo nabad galyada.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay iskaashiga dhanka la dagaallanka argagixisada iyo tahriibka.